Photo/Reuters

Chelsea ayaa laga yaabaa inay si lama filaan ah u afduubato xidiga Kieran Trippier, oo bartilmaameyd u ah kooxda Newcastle united

Blues ayaa si aad ah ugu baahan in lagu xoojiyo daafaca dambeedka midig iyadoo dooqa koowaad ee Ben Chilwell iyo Reece James ay dhaawacyo halis ah ku maqan yihiin.

The  Guardian  ayaa ku warameysa in Thomas Tuchel uu isha ku hayo suurtogalnimada in ninka Atletico  Madrid Trippier  uu ku xaliyo arrinta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Daafaca midig ee England – kaasoo sidoo kale ka ciyaari kara dhanka bidix sida uu marar badan u soo ciyaaray xulka qaranka – ayaa lagu xamanayay inuu dib ugu soo laabanayo Premier League in muddo ah.

Newcastle ayaa ahayd kooxda sida joogtada ah loola xiriirinayey inay heshiis la gaarto.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan