Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay kaliya u dhaqaaqi doonto xiddigii hore ee Eden Hazard hadii ay Real Madrid diyaar u tahay in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku doonayso.
Inkasta oo uu xiddiga reer Belguim guulo waaweyn ku gaadhay Stamford Bridge haddana waayihiisii Bernabeu waxa uu ahaa mid aad uga duwan isaga oo dhaawacyo iyo qaab ciyaareedkiisa lumiyay.
Halka 31-sano jirkaan la siiyay lix kulan oo uu ku soo bilowday iyo sideed bedel oo uu ku soo galay La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkan, Los Blancos ayaa diyaar u ah inay ku iibiso qiimo sax ah.
Horaantii suuqa kala iibsiga ee Janaayo, waxaa la sheegay in Newcastle United ay ku guuleysatay dalab 33.4 milyan ginni ah, kaliya ciyaaryahanka ayaa diiday inuu u dhaqaaqo St James’ Park.
Sida laga soo xigtay El Nacional , Chelsea ayaan haatan dooneynin inay dhaafto 21 milyan ginni, taasoo si dabiici ah u horseedaysa is mari waa u dhexeeya dhinacyada ay khuseyso.
Hazard ayaa la sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Real ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ka hor inta uusan qiimeynin dookhiisa suuqa kala iibsiga
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore
Source: dalkaan