Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay kooxaha Serie A ee AC Milan iyo Napoli fursad ay kula soo saxiixan karaan daafaca Malang Sarr bisha Janaayo.

22-sano jirkaan, oo si xor ah ugu soo biiray Blues bishii Ogosto 2020, ayaa ku dhibtooday waqti ciyaaredka Stamford Bridge xilli ciyaareedkan, isagoo kaliya afar kulan u saftay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay CalcioNapoli24 , Chelsea ayaa diyaar u ah inay amaah ku fasaxdo Sarr si uu ugu ciyaaro boos joogta ah, wakiilka daafaca ayaa tan iyo markaas xiriir la sameeyay labada Milan iyo Napoli.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Napoli ay isha ku heysay xiddiga reer France in muddo ah, isla markaana ay mar u aragtay inuu yahay bedelka Kalidou Koulibaly markii daafaca dhexe ee qibrada leh si aad ah loola xiriirinayay inuu baxo.

Dhanka kale, Milan ayaa taariikh ku leh inay wadahadalo la gasho Chelsea, maadaama ay haatan heysato seddexda ciyaaryahan ee hore ee Blues Fikayo Tomori , Tiemoue Bakayoko iyo Olivier Giroud .

Sarr, oo sidoo kale lala xiriirinayo Inter Milan , ayaa qandaraaskiisa waxaa ka haray wax ka badan seddex sano iyo bar, waxaana la rumeysan yahay inay Chelsea ku qiimeyso 15 milyan euro (£ 12.7m).

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan