Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay boos xoogan ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni sanadka dambe.

21 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa Ligue 1 xilli ciyaareedkii 2021-22, halka uu sidoo kale noqday xiddig muhiim u ah xulka qaranka France.

Chelsea ayaa si xoogan loola xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay saxafiga Ingariiska ah ee Matt Law , Blues “waxay aad ula xiriirtaa” xiddiga heerka caalami ee dalka France inuu u dhaqaaqo London.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Waxay dareemeysaa in isaga [Tchouameni] uu noqon doono nooca ka jaban ee Declan Rice . Haddii taasi ka dhigayso ikhtiyaarka A, aan aragno. Laakiin dhab ahaantii waxaan u maleynayaa, hadda, waxaa jira jiho fiican marka la eego. Chelsea iyo Tchouameni.”

Tchouameni, oo sidoo kale lala xiriirinayo Manchester United , ayaa labo gool u dhaliyay 28 kulan oo uu u saftay Monaco tartamada oo dhan xilli ciyaareedka 2021-22.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan