Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay garabka Leeds United Raphinha inuu yahay bartilmaameed macquul ah.

25 jirkaan ayaa olole kale oo xoogan ku qaadanaya Elland Road, isagoo ka qeyb qaatay sideed gool iyo labo caawin 19 kulan oo uu saftay Premier League.

Raphinha ayaa lagu xamanayaa inuu bartilmaameed u yahay West Ham United , kuwaasoo lagu wargeliyay in kubadsameeyaha uusan iib ahayn ka hor dhamaadka bishaan.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu qabo khabiirka suuqa kala iibsiga ee Gianluigi Longari , Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku biirto tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil.

Tababaraha Blues Thomas Tuchel ayaa la sheegay inuu ka fikirayo sidii uu u wajihi lahaa dhamaadka xilli ciyaareedkan markaasoo Raphinha ay labo sano uga harsan tahay qandaraaskiisa.

Leeds, oo isku dayi doonta inay ku tijaabiso ciyaaryahanka inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, uma badna inuu tixgeliyo dalab kasta oo ka hooseeya 50 milyan ginni.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan