Photo/Reuters

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabto inay ugu dambeyntii la soo saxiixato daafaca Sevilla Jules Kounde .

Blues muhiimad weyn siisay xiddiga heerka caalami ee dalka France intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaagii hore lakin kooxdiisa ayaa diiday xiligaasi.

Thomas Tuchel ayaa ugu dambeyntii u dallacsiiyay Trevoh Chalobah oo ka soo qalin jabiyay akadeemiyadda, tallaabadaas oo si buuxda u soo baxday, laakiin Chelsea ayaa shaki ka qabta dhowr daafac oo kale.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Majalada 90 min , ayaa ku warameysa in Xidigan uu Waqti uun ku biiri karo kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Sevilla ayaa laga yaabaa inay aad u rabto inay fasaxdo 23 jirkaan aduun dhan 68 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan