Photo/Reuters

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u calaamadsatay daafaca Leicester City ee Wesley Fofana badalka suurtagalka ah ee Antonio Rudiger xagaaga soo socda.

Rudiger ayaa u muuqda mid sii kordhaya oo uu uga tagi karo Stamford Bridge marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo ay wararku sheegayaan in Chelsea aysan dib u furin wadahadalo heshiis kordhin ah tan iyo bishii Agoosto.

Kooxo badan oo ka dhisan Yurub ayaa loo maleynayaa inay xiiseynayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, kaasoo noqon kara mid ka mid ah daafacyada ugu mushaarka badan kubada cagta adduunka hadii uu beeca xorta ah kaga tago.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Chelsea ayaa weli dooneysa inay sii haysato daafaca dhexe, laakiin sidoo kale waxay aqoonsan yihiin halista uu ka tagi karo xagaaga soo aadan, halka Andreas Christensen iyo Cesar Azpilicueta ay sidoo kale qandaraaskiisu uu dhamaanayo.

Kooxda heysata horyaalnimada Yurub ayaa sidaas darteed fiirineysa xoojinta daafaca, Goal ayaana ku warameysa in ay Fofana u qoondeeyeen dookh mustaqbalka fog ah.

20 jirkaan ayaan wali ciyaarin xilli ciyaareedkan dhaawac dartiis, laakiin waxa uu iska dhigay mid ka mid ah daafacyada aadka loo qiimeeyo.

Laacibka reer France ayaa qandaraas kula jira Leicester ilaa 2025, si kastaba ha ahaatee, taasoo la micno ah in Foxes ay u badan tahay inay ku dalban doonaan lacag qaali ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan