Ciyaarta Premier League ee Chelsea iyo Wolves ee Molineux ayaa lagu wadaa inay dhacdo kadib markii chelsea laga diiday codsiga in la baajiyo

Sida laga soo xigtay Telegraph, Premier League ayaa diiday codsigii Blues ee ahaa in dib loo dhigo ciyaarta madama dhoor xidig oo muhiim ah ay ka maqanyihiin.

kooxda reer London ayaa lagu soo waramayaa inay la tacaalayaan qaar ka mid ah kiisaska COVID-19 ee cusub ee ka jira xeradooda

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

inkastoo kooxda Wolves ay tahay koox aanan awood badan u leheen inay garaacdo Blues hadana Chelsea ayaa ka cabsi qabto in natiijo xun kala kulanto kulankan taasi oo dib ugu dhigi karto heerka Saddexaad ee horyaalka.

Ben Chilwell, Callum Hudson-Odoi, Timo Werner iyo Romelu Lukaku ayaa dhamaantood la xaqiijiyay inay kulankan ka maqanyihiin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan