Photo by Catherine Ivill/Getty Images)

Chelsea ayaa heshay farxad weyn ka hor kulanka axada ee Tottenham Hotspur .

Blues ayaa barbardhac 1-1 ah la gashay Brighton Talaadadii waxana ay ku jiraan mid kamid ah waqtiyadii ugu adkaa.

Tababare Thomas Tuchel ayaa qirtay ciyaarta ka dib in kooxdiisu ay aad u daalan tahay ka dib todoba kulan oo ay ciyaareen 21 maalmood gudahood.

Warka soo dhaweynta ee Tuchel, ataa ah daafaca Trevoh Chalobah oo la filayi inuu soo laabto kulanka Spurs.

Reece James ayaa sidoo hormar ka sameeyay ka soo kabashadiisa dhaawac muruqa ah usbuucan, sida ay qirtay football.london .

Tuchel oo hadlay kadib kulankii Brighton ayaa yidhi: “Maskax ahaan waanu daalanahay oo jidh ahaan waanu daalanahay, waxaad ku arki kartaa qaab ciyaareedkeena.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan