Saddexda kooxood ee Premier League ee Chelsea , Manchester City iyo Liverpool ayaa dhamaantood lagu soo waramayaa inay si aad ah u doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Gavi mid ka mid ah labada suuq ee soo socda.

17-sano jirkaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Spain soo mara sanadkii hore, halka uu xilli ciyaareedkan si joogto ah uga ciyaarayay heerka kooxeed, isagoo saftay 24 jeer tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay hal gool, seddexna caawiye ka ahaa.

Barcelona ayaa ka shaqaynaysa sidii ay da,yarkan uga saxiixi lahayd heshiis cusub maadama uu heshiiskiisa haatan dhacayo June 2023, waxaana la rumaysan yahay in heshiiska lagu burburin karo 50 milyan oo euro (£42m).

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Xavi ayaa ilaa hadda awoodi wayday inay heshiis cusub la gaadho xiddiga reer Spain, sida laga soo xigtay El Nacional , waxaa xiiso u qabta adeegiisa Chelsea, Man City iyo Liverpool.

Bayern Munich ayaa sidoo kale lagu tiriyaa inay xiiseyneyso ciyaaryahankii hore ee Real Betis ee da’yarta Gavi, kaasoo saftay 17 kulan xilli ciyaareedkii 2021-22.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan


Source: dalkaan