Kooxaha Chelsea iyo Liverpool ayaa u muuqda kuwo lagu wargaliyay inaysan bisha Janaayo la soo wareegi karin daafaca Torino Bremer .

Inkasta oo ay labada kooxoodba si fiican ugu heelan yihiin dookhyada dhexe ee laf dhabarta, haddana waxa la sheegayaa in ay aad ula dhacsan yihiin xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee reer Brazil.

Si kastaba ha ahaatee, Torino ayaa heysato rikoorka daafaca afaraad ee ugu fiican Serie A, madaxweyne Urbano Cairo ayaa meesha ka saaray wax fursad ah oo lagu iibin karo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Cairo ayaa laga soo xigtay Gazzetta dello Sport isagoo leh: “Maya, waligay kuma fikirin inaan iibiyo Bremer bisha Janaayo, gabi ahaanba maya.

Bremer waxaa qandaraaskiisa uga haray wax ka badan 18 bilood, isagoo si dhab ah u siinaya Torino fursad ku filan oo uu ku diido xiis kasta ilaa xagaaga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan