Chelsea ayaa ku qasbanaatay inay ku tiirsanaato rigoore waqtigii dhimashada ee Jorginho si ay ugu dambeyntii uga badiso Leeds United oo 3-2 kaga badisay Premier League Sabtidii.

Goolal ka yimid Mason Mount iyo labo rigoore oo uu dhaliyay Jorginho ayaa kansalay goolkii furitaanka ee Raphinha iyo Joe Gelhardt oo dhamaadkii ciyaarta dhaliyay kulan ka dhacay Stamford Bridge.

Ciyaartan oo intii ay socotay ayaa la dhigay saddex rikoodhe oo laba ka  mid ah ay Chelsea heshay ayaa waxa daqiiqaddii 28aad hoggaanka qabatay Leeds United oo uu gool ku laad u dhaliyey Raphinha, hase yeeshee Mason Mount ayaa ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin goolka barbarraha u keenay Blues.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Chelsea ayaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 58aad ee qaybta dambe kaddib markii uu laacibka reer Brazil ee Raphinha uu qalad ku galay xerada ganaaxa, waxaana gool u beddelay Jorginho, halkaas oo ay Blues ugu dabbaal-degtay sidii ay guusha xilli horeba xaqiijisatay.

Kooxda martida ayaa heshay goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin. Kubbad uu kasoo shaqeeyey  Roberts ayaa waxa goolka ku qabtay Gelhardt oo beddel kusoo galay, taas oo uu goolhaye Mendy waxba ka qaban kari waayey.

Chelsea guusha ciyaarta gacanta ku dhigtay waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta, gaar ahaan daqiiqaddii 90+4, waxaana rikoodhaha lagu galay Antonio Rudiger gool u sarrifay Jorginho oo ciyaarta ka dhigay 3-2.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan