Mateo Kovacic ayaa dhaliyay mid ka mid ah goolasha Blues xilli ay Chelsea dib ugu dagaalantay barbaro 2-2 ah oo ay la gashay Liverpool kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka Premier League.

Kooxda martida ahayd ee Liverpool ayaa 2-0 ku hoggaaminaysay markii ay ciyaartu maraysay 25 daqiiqadood, waxaana u dhaliyey Sadio Mane iyo Mohamed Salah, hase yeeshee saddexdii daqiiqadood ee ugu dambeeyey qaybta hore ayay Chelsea keentay goolasha barbarraha oo ay u kala dhaliyeen Mateo Kovacic iyo Christian Pulisic.

Liverpool ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii sagaalaad ee bilowga ciyaarta, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Sadiio Mane. Kubbad halis ahayd oo uu Diogo Jota usoo dhiibay Mane ayaa waxa uu lasii dhaafay Mendy, isaga oo goolka uga horreysiiyey Thiago Silva oo isku dayay inuu badbaadiyo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Mohamed Salah ayaa hoggaanka usii dheereeyey Liverpool daqiiqaddii 25aad, waxaana kubbad uu kala soo galay dhinaca bidix uu dhaqaaq-joogsi kusoo dilay Alonso, taas oo uu ula yimid Mendy oo uu dhinac ka dhigay.

Chelsea ayaa dib usoo noolaatay, waxaana gool u dhaliyey Mateo Kovacic oo kubbad ay difaaca Liverpool iska soo saareen kaga celiyey bannaanka, taas oo birta kusoo dhacday, isal markaana shabaqa u weydaaratay Kelleher.

Chelsea ayaa gool labaad oo deg-deg ah la timid laba daqiiqadood kaddib, waxaana u dhaliyey Christian Pulisic oo kubbad uu N’Golo Kante u daba dhigay difaacyahannada Liverpool lugta bidix ku dhaafiyey goolhaye Kelleher, sidaas ayaanay qaybta hore ugu soo dhamaatay barbarro 2-2 ah.

Ciyaarta  ayaa kusoo dhamaatay 2-2 ay dhibcaha ku wadaageen Chelsea iyo Liverpool, waxaanay fursad siiyeen Manchester City oo haddii ay midkood guuleysan lahayd ay ku dhowaan lahayd.

Chelsea ayaa yeelatay 43 dhibcood, waxaanay toban dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo hoggaanka haysa, halka Liverpool ay saddexaad fadhido oo ay leedahay 42 dhibcood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan