Chelsea ayaa iska lumisay fursad ay ku cadaadin lahayd hogaamiyayaasha Premier Leaque ee Manchester City kadib markii ay barbaro 1-1 ah la dhaafi waayeen Everton.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah kulankooda ka dhacay garoonka Stamford Bridge, Mason Mount ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida loo ahaa 20 daqiiqo ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii ​​​​7aad ee xilli ciyaareedkan.

Laakiin inkasta oo ay waayeen dhawr ciyaartoy oo muhiim ah, Everton ayaa afar daqiiqo ka dib u jawaabtay iyada oo Jarrad Branthwaite uu goolkii ugu horeeyay ee Premier League u dhaliyay.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Wiilasha Thomas Tuchel ayaa haatan afar dhibcood ka dambeeya City, iyagoo iska qasaariyay fursad ay ku soo yareen kareen farqiga dhibcaha.

Chelsea ayaa ku dhawaatay in ay hogaanka dib u soo ceshato kadib markii uu Thiago Silva kubad madax ah si fiican uga badbaadiyay Pickford, laakiin waxay ku qasbanaadeen in ay hal dhibic la yimaadaan kulankan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan