Danny Welbeck ayaa dhaliyay gool waqtigii dhimashada iyadoo Brighton ay  barbardhac 1-1 ah la galeen Chelsea ciyaar ka dhacday Stamford Bridge.

Romelu Lukaku ayaa hogaanka u dhiibay kooxda chelsea Daqiiqadii 28aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi goolkiisii ​​ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Premier League tan iyo bishii Sebtember kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Aston Villa.

waxaana uu u muuqday mid ka caawin doona kooxdiisa inay gaarto guusheedii labaad oo xiriir ah horyaalka heerka koowaad ka dib markii uu madax qurux badan dhaliyay wax yar ka hor qeybtii nasashada.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Brighton ayaa sameesay Dadaal dheeri ah dhamaadka ciyaarta taasi oo keentay in Welbeck oo bedel ku soo galay uu madax ka dhaliyo Edouard Mendy Daqiiqadii 90+4aad iyadoo guud ahaan ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1.

Goolkaas waxa uu la micno ahaa in Chelsea ay soo gashay kaalinta labaad madama ay Liverpool ka horeyso hal dhibic, halka Brighton ay soo gashay kaalinta 10-aad.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan