Liverpool ayaa ku dhawaaqday in kaaliyaha kooxda koowaad ee Pep Lijnders laga helay cudurka ‘coronavirus’.

38-sano jirkaan ayaa ku jiray garoonka kulankii ay Reds bar-baraha 2-2 la gashay kooxda Chelsea ee horyaalka Premier League dhamaadkii Isbuucaan halka Jurgen Klopp uu ahaa mid karantiil ku jira.

Si kastaba ha noqotee, Liverpool ayaa hadda la tacaaleysa qeyb cusub oo ah COVID-19, Lijnders waa kii ugu dambeeyay ee ay saameyso ka dib markii kooxdu ay si rasmi ah u codsatay in dib loo dhigo Khamiista lugta hore ee semi-finalka EFL Cup ee Arsenal .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

War qoraal ah oo la soo dhigay website-ka rasmiga ah ee Liverpool ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Liverpool waxay xaqiijin kartaa in Pepijn Lijnders laga helay COVID-19, taas oo sii saamaynaysa isku diyaarinta kooxda ee kulanka Carabao Cup ee ay Khamiista la ciyaari doonto Arsenal.

Liverpool ayaa ku wayday Alisson Becker , Joel Matip iyo Roberto Firmino caabuqa COVID-19 ka hor kulanka Chelsea, halka Mohamed Salah , Sadio Mane iyo Naby Keita ay ku maqan yihiin waajibaadka koobka qaramada Afrika.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan