Megastar Rajinikanth, oo la dhigay isbitaalka Apollo sababo la xiriira isbedelka cadaadiska dhiigga, ayaa la ogyahay inuu “si wanaagsan u socdo latacaaladiisa” isla markaana “sifiican loo kantaroolayo”, sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ah ee isbitaalka sabtidii.

Advertisement

“Rajnikanth oo shalay la dhigay isbitaalka si wanaagsan ayuu u socdaa. Habeen aan caadi aheyn ayuu soo maray, dhiig karkiisana wali wuxuu ku sii jeedaa dhanka sare inkasta oo uu si ka wanaagsan sidii hore xaaladiisu tahay,” ayaa lagu yiri warbixin rasmi ah oo uu soo saaray Hyderabad’s Apollo Hospital.

Baaritaanada Aktarka ‘Sivaji’ ma aysan soo bandhigin wax “cabsi leh” ilaa iyo hada waxaana loo qorsheeyay baaritaano dheeri ah , wararkaas oo la heli doono ilaa fiidka, sida lagu sheegay bayaanka.

Jilaaga ‘Kabali’ ayaa maalmihii ugu dambeeyay duubista filimka ‘Annaatthe’ ka waday magaalada Hyderabad. Duubista ayaa istaagtay ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalihii filmka lagabaaray cudurka cusub ee coronavirus.

Rajinikanth ayaa sidoo kale la filayaa inuu furo xisbi siyaasadeed bisha Janaayo ee sanadka 2021. La Taliyaha siyaasad isu badalay Tamilaruvi Manian ayaa sheegay in xisbigooda uu ku dagaalami doono dhamaan 234-ka kursi doorashada soo socota ee Golaha.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here