Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay ku xirto Bukayo Saka heshiis cusub oo lix sano ah ilaa xagaaga 2027.

Laacibka heerka caalami ee dalka England ayaa sii wada hormarkiisa waxaana uu diiwangeliyay afar gool iyo afar caawin 20 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan.

Saka kaliya waxa uu heshiis cusub u saxeexay kooxda sanadkii hore, iyadoo shuruuda uu haatan ku jiro uu ku sii jiri doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2023-24.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, saxafiga Ekrem Konur ayaa sheegay in Arsenal ay haatan ka go’an tahay inay 20-sano jirkaan ku sii xirto muddo dheer, iyadoo heshiis ilaa 2027 ah miiska u saaran yahay.

Qandaraaska noocan oo kale ah ayaa Saka ku sii hayn doona kooxda ka dib dhalashadiisa 25aad, iyadoo weeraryahanka uu horey ugu faanay 15 gool iyo 25 caawin 108 kulan oo uu u saftay naadigiisa caruurnimada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan