Labada ciyaaryahan ee Arsenal Bukayo Saka iyo Emile Smith Rowe ayaa ku sii dhawaanaya rikoorka Premier League kaasoo ay haatan heestaan halyeeyada Manchester United Wayne Rooney iyo Cristiano Ronaldo .

Saka oo 20 jir ah ayaa caawiye ka ahaa 21-jirka Smith Rowe si uu goolkooda labaad uga dhaliyo West Ham United bartamihii Isbuuca, isagoo soo xereeyay saddex dhibcood taasoo ka dhigtay inay ka mid noqdaan afarta sare .

Goolkan ayaa ahaa kii lixaad ee ay labadan xiddig isku caawiyaan horyaalka Premier League, iyadoo labo kaliya ay ka yar tahay rikoorka gaarka ah ee tartankan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Labada ciyaaryahan marka ay da’doodu tahay 21 ama ka yar, kaliya Ronaldo iyo Rooney ayaa is caawiyay inta badan taariikhda Premier League, iyadoo labada ciyaaryahan ee Man United ay sameeyeen siddeed jeer.

Saka iyo Smith Rowe ayaa isku dayi doona inay xitaa ku dhawaadaan tiradaas inta lagu guda jiro kulanka sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Leeds United.

Labada ciyaaryahan ee Arsenal ayaa heysta inta ka dhiman xilli ciyaareedkan si ay u dhaafaan rikoorka Rooney iyo Ronaldo, iyadoo Smith Rowe uusan u dabaaldegin dhalashadiisa 22aad ilaa July 28.

Saka ayaa dhaliyay 3 gool isaga oo abuuray afar gool oo kale xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, halka Smith Rowe uu dhaliyay 7 gool isaga oo caawiye ka noqday 2 gool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan