Laacibka khadka dhexe ee kooxda Lyon Bruno Guimaraes ayaa xaqiijiyay in Arsenal ay la soo xiriirtay isaga.

24-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkaan ka mid ahaa Safka hore ee kooxdiisa isagoo 17 jeer ka soo muuqday horyaalka Faransiiska, isagoo sidoo kale shan kulan u saftay Europa League.

Warbixin hore ayaa sheegeysay in Gunners ay wadahadalo la furtay Guimaraes, kaasoo tan iyo markaas xaqiijiyay in wakiilo ka socda kooxaha Premier League ay la xiriireen wakiilka ciyaaryahanka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Arsenal waxay la xiriirtay wakiilkeyga, laakiin ma jirin wax dalab ah. Ujeedadeyda, oo aan u cadeeyay Juninho (Agaasimaha isboortiga ee Lyon) waa inaan horyaalka kula guuleysto Lyon,” ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa u sheegay Globo , isagoo u sii maraya GFFN

Guimaraes, oo qandaraas kula jira Lyon ilaa June 2024, ayaa madaxda Arsenal u tixgelin karaan beddelka tooska ah ee khadka dhexe ee Ainsley Maitland-Niles , kaasoo ku dhow inuu dhammaystiro amaahda January ee uu ugu wareegayo Roma.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan