Bruno Fernandes ayaa seegi doona kulanka Manchester United ee Premier League la ciyaaridoonto Burnley.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa ka soo muuqday kulankii ugu danbeeyay waxaana uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta Red Devils ay barbaro 1-1 ah la gashay Newcastle United habeenkii isniinta.

Si kastaba ha ahaatee, kaarka hurdiga ah ee Fernandes ee daqiiqadii 66aad ayaa calaamad u ah digniintiisii ​​shanaad ee xilli ciyaareedka horyaalka, taas darteedna wuxuu qaadan doonaa ganaax hal kulan ah usbuucan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ciyaaryahankii hore ee Sporting Lisbon ayaa ku guuldareystay inuu gool dhaliyo ama caawimo kulankii seddexaad ee isku xigta ee Premier League isniintii, waxaana kaliya uu hal gool ka dhaliyay todobadii kulan ee ugu danbeysay ee uu saftay.

Bar-barihii Man United ee isniintii ayaa ka dhigan in ay 7 dhibcood ka dambeeyaan afarta sare iyada oo laba kulan heysato.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan