Chelsea ayaa ku jirta guul la’aantii ugu xumayd ee Premier League intii uu hogaaminayay Thomas Tuchel iyadoo barbaro 1-1 ah la gashay Brighton and Hove Albion. 

Kooxda Tuchel ayaa iska lumisay fursad ay si degdeg ah ugu soo dhawaan lahayd farqiga dhibcaha u dhexeeya hogaamiyayaasha Manchester City, kuwaas oo sabtidii 1-0 ku garaacay kooxda heysata horyaalnimada Yurub ciyaar ka dhacday Etihad Stadium iyagoo 13 dhibcood ka sarreeya. 

Hakim Ziyech ayaa hogaanka u dhiibay Blues qeybtii hore ee ciyaarta oo ka dhacday garoonka Amex Stadium, laakiin Brighton ayaa soo celisay barbaraha waxaana u dhaliyay Adam Webster daqiiqadii 60aad. 

Chelsea ayaa awoodi wayday in ay guul gaarto kulankan waxayna leeyihiin 44 dhibcood iyagoo dhibic ka danbeeya kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Liverpool.

Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawayn doonta tababaraheedii hore ee Antonio Conte marka ay axada wajahaan Tottenham markaas oo ay Brighton u safarto Leicester City. 

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan