Brentford ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Christian Eriksen kaasoo qalinka ku duugay heshiis waqti gaaban ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

29 jirkaan ayaa ku biiray Bees ka dib markii uu ka soo gudbay xaalad caafimaad oo dhanka wadnaha ah, xili uu ku dhacay ciyaartii Euro 2020 ee Danmark xagaagii hore.

Eriksen ayaa Inter Milan ka caawiyay in ay ku guulaysato horyaalka Seria A xilli ciyaareedkii hore, laakiin ugu dambayntii waxa fasaxday kooxda reer Italy sabab la xidhiidha wadne xanuun.

Tallaabadan ayaa u muuqata Eriksen inuu dib ula midoobo maamulaha Brentford Thomas Frank , iyadoo labada nin ay horay uga soo wada shaqeeyeen kooxda 17-jirada Denmark.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan