Phil Foden ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku filnaa Manchester City inay 1-0 ku garaacday Brentford si ay u sii dheereysato rikoorka guulaha Premier League 10 kulan oo ay sideed dhibcood ku qabatay hogaanka.

Citizens ayaa dhalisay17 gool seddexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka laakiin waxaa ku adkaatay Sheekada garoonka Brentford Community Stadium marka loo eego kulamadii hore.

Kevin De Bruyne ayaa kubad maadays ah u dhiibay Foden si uu u dhaliyo goolka kaliya ee ciyaarta Daqiiqadii 16aad isagoo bidix ku dhameestiray labada kooxood ayaana qeybta hore iska dhalin wax gool ah

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

City ayaa labo gool laga diiday qeybtii labaad ee ciyaarta, lakin waxay ka Faa’ideesteen guuldaradii Liverpool ka soo gaartay Leicester City Talaadadii iyo barbarihii ay Chelsea gurigeeda kula gashay Brighton and Hove Albion Caawa.

Brentford ayaa la ciyaareysa Aston Villa kulanka xiga halka. Manchester City ay u safreyso Arsenal maalinta sanadka cusub.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan