Juventus ayaa guushi 11-aad oo xiriir ah horyaalka Seria A ka gaartay Bologna iyada oo goolasha ay kala dhaliyeen Alvaro Morata iyo Juan Cuadrado si ay 2-0 ugu badiyaan Stadio Renato Dall’Ara.

Bianconeri ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Venezia kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ka ciyaaraan horyaalka heerka koowaad, laakiin marnaba ma aysan u muuqan kuwa halis u ah inay dhibco badan lumiyaan ka dib markii uu Morata u dhaliyay goolka furitaanka Daqiiqadii 6aad ee ciyaarta iyadoo lagu kala nastay goolkaasi. 

Kooxda Massimiliano Allegri ayaa si weyn u shaqeysay qeybtii labaad, sidaas oo ay tahayna Cuadrado ayaana u dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 69aad ee ´ciyaarta.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Natiijad ayaa ka dhigan in Juventus kaalinta lixaad soo gasho, iyadoo leh 31 dhibcood, Roma oo ku jirta kaalinta shanaad, halka Bologna ay ku sii jirto kaalinta 10aad.

Juve ayaa sanadka 2021 ku soo gabagabeyn doonta gurigeeda kulan ay la ciyaarayso Cagliari talaadada, halka Bologna ay u safreyso Sassuolo maalin ka dib fasaxa bartamaha xilli ciyaareedka. 

Kulamada kale ee la ciyaaray

Atalanta 1-4 Roma

Bologna 0-2 Juventus

Cagliari 0-4 Udinese

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan