Facebook

Advertisement

Legos (Dalkaan.com) – Sida ay sheegeen maamulka gobolka Katsina, boqollaal caruur iskuuley ah oo todobaadkii hore laga afduubtay iskuul caruurta lagu xanaaneeyo oo ku yaalla waqooyi galbeed Nigeria ayaa lasii daayay.

Afhayeen u hadlay gudoomiyaha gobolka ayaa xaqiijiyay in lasii daayay 344 arday oo la afduubtay, wuxuuna sidoo kale sheegay iney caafimaad qabaan.

Weerarka lagu afduubtay caruurtaan waxaa sheegtay kooxda Islaamiyiinta ah ee Boko Haram kuwaas oo la sheegayo iney qaar ka mid ah caruurta wali gacantooda ku jiraan.

Qoraalka lagu xaqiijiyay sii deynta caruurta ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo gudbiyay Kastina isla markaana ay la midoobi doonaan waalidkooda saacadaha soo socda.

Faahfaahin dheer lagama bixin sheekada dhabta ah ee arintaan, balse maamulka guud ee Gobolka wuxuu sheegtay iney arintaan tahay mid ah ka shaqeeyeen.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here