Barcelona ayaa fursad u heleyso xidiga Manchester City ee Ferran Torres waase hadii uu Ousmane Dembele ka tago Camp Nou.

Kooxda reer Catalan ayaa xamanayaa Torres inuu yahay bartilmaameedkooda ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga jiilaalka, inkastoo laga yaabo inay sugaan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka si ay u helaan xiddiga heerka caalami ee dalka Spain.

Dhibaatada dhaqaale ee Barcelona ayaa la macno ah inay ku qasban tahay inay ciyaartoy u dhaqaaqdo ka hor inta aysan wax kordhin ah sameynin, inkastoo, sida laga soo xigtay Sport , ka bixitaanka Dembele ay kooxda ka caawin doontaa saxiixa Torres.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

24-sano jirkaan, oo kaliya lix kulan saftay xilli ciyaareedkan, dhaawac dartiis, ayaa lala xiriiriyay kooxaha sida Manchester United , Chelsea , Juventus iyo Newcastle United .

Barcelona ayaa lagu eedeeyay inay ka caga jiideyso inay bixiso mushaarka uu haatan dalbanayo ku guuleystaha Koobka Adduunka, taasoo keeni karta in weeraryahankii hore ee Borussia Dortmund uu si xor ah uga tago Camp Nou.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan