Mar waxaa jirtay xiddigaha caanka ah ee Bollywood aysan ka hadli jirin arrimaha galmada la xiriira oo ceeb weyn ay u arkeen. Sidaas darteed su’aal walba oo la xiriirta waa ay ka fogaan jireen jawaabteeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Bollywood ku jira shaqsiyaad geesiyaal ah kuwaasoo si furan uga hadlay noloshooda galmada la xiriirta. Sidaas darteed halkaan waxaan kusoo qaadan doonaa 10 shaqsi oo caan ka ah Bollywood iyo marka ay ka hadlaeen noloshooda galmada weliba si furan.

Advertisement

KARAN JOHAR

Director Karan Johar ayaa wax laga weydiiyey jinsigiisa, iyadoo dadku ay ku xantaan inuu LAGAROONE yahay, wareysi uu bixiyey ayuuna si furan uga hadlay jinsigiisa.

Karan Johar wuxuu yiri: “Qof walba ayaa og jinsigeyga. Uma baahni inaan la qeyliyo. Haddii aan u baahanahay inaan hikaadiyo jinsigeyga ma sameyn doono middaas – maxaa yeelay waxaan ku noolahay dal ay macquul tahay in xabsi la i dhigo haddii aan sheego arrintaas”.

RANVEER SINGH

Ranveer lama mid ahan xiddigihii 1990meeyadii ee Bollywood-ka waana wiil aan qarin kalmadaha afkiisu soo qabto. Wareysi lala yeeshay ayaa lagu weydiiyey hadiyadda uu ugu jecel yahay.

Ranveer wuxuu yiri: “Hadiyadda aan ugu jeclahay waa galmada maalinta dhalashadeyda la i siiyo”. – Wuxuuna intaas ku daray inuu galmada bilaabay isagoo 12 sanno ah, wixii intaas ka dambeeyeyna uusan marnaba joojin.

GOVINDA

Waad la yaabeysaa inuu halyeeygaan magaciisu liiskaan ku jiro. Balse Govinda wuxuu daaha ka qaaday inuu jecel yahay inuu galmo dheeraad ah sameeyo inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu xaas leeyahay.

SALMAN KHAN

Salman oo la hadlayey barnaamijka Koffee With Karan ayaa ka yaabsaday taageereyaashiisa, markii uu daaha ka qaaday in uusan abid gabar u galmoon isagoo 51 sanno jir ah, wuxuuna sheegay inuu bikronimadiisa u dhigaalinayo xaaskiisa mustaqbalka.

SHAHID KAPOOR

Shahid Kapoor ayaa mar laga soo xigtay inuu iska dhaafi lahaa shaqada jilliinka galmo darteed. Sidaas darteed Shahid waa nin aad u jecel galmada.

ALIA BHATT

Alia Bhatt waa atariisho aan ka laba-labeyn hadalka maankeeda ku jira, waxaana mar la weydiiyey qaabka galmo ee ay ugu jeceshahay, waxayna sheegtay inuu yahay nuuca, iyada ay hooseyso ninkuna uu sarreeyo iyadoo labada lugood ee gabadha sarre loo qaadayo The classic missionary.

ARJUN KAPOOR

Arjun Kapoor sidoo kale waa atoore qalbigiisa waxa ku jira aan dadka ka qarin. Wuxuuna daaha ka qaaday inuu marwalba helo gabar uu galmo la wadaago inkastoo ay xaqiiqadu tahay inuu doob yahay.

VIDYA BALAN

Mid ka mid ah atariishooyinka aan gamban Vidya ayaa laga soo xigtay: “Galmada waan jecelnahay, waan u baahanahay, waxaana u rabnaa sida ay raggu u rabaan oo kale”.

RANBIR KAPOOR

Ranbir Kapoor ayaa wareysi uu bixiyey ku caddeeyey in marba haddii uu u galmoonayo gabar uusan jaceyl kala dhexeyn ay taasi ula mid tahay inuu siigeysanayo oo kale, wuxuuna caddeeyey inuu galmada bilaabay isagoo 15 sanno jir ah.

PRIYANKA CHOPRA

The Queen Of Bollywood waxay daaha ka qaaday in wiilka ay saaxiibka yihiin ay kula baashaashay dooshka, sidoo kalena ay jeceshahay inay taleefoonka uga raaxeyso.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here