Dhawaan dowlada dhexe Hindiya waxay ku dhawaaqday in 100% tiyaatarada furan yihiin laga bilaabo 1-dii bishan Febraayo waana arin siweyn usoo dhaweeyeen Bollywood-ka madaama marka hore Bollywood-ka walaac ka qabeen 50% tiyaatarada furnaayeen inaysan ku filneyn filimadooda ganacsi muuqdo inay sameeyaan taasina waxay keentay aflaantooda qaarkood in OTT laga daawaday qaar kalena dib loo dhigay daawashadooda.

Advertisement

Maanta aqbaarta ugu weyn fanka Hindiya ka jirto ayaa ah in la ogaaday xiliga tiyaatarada lagu soo fasixi doono filimka weyn Sooryavanshi ee Superstar Akshay Kumar hogaamiye ka yahay waxaana mashruucan la daawan doonaa 2 April 2021 sidoo kalena Akshay filimkiisa kale Bell Bottom oo taariikhdan horey u doortay isagana dib ayaa loo dhigi doonaa daawashadiisa oo bilaha June ama July ayaa la daawan doonaa.

Director Rohit Shetty, Superstar Akshay Kumar, soo saare Karan Johar iyo shirkada Reliance Entertainment oo Sooryavanshi wax ka maal galineyso waxay haatan wada hadalo kula jiraan kuwa tiyaatarada iska leh iyo cajaladaha qeybiyaan si ay heshiis ula gaaraan marka uu filimkan 4-todobaad ama 6-todobaad tiyaatarada saarnaado in OTT loo weeciyo madaama shirkadaha adeega Online-ka aflaanta lagu daawado bixiyaan kooxda filimkan lacago waali ah diyaar ula yihiin.

Waxaa lagu wadaa in 9-ka bishan Febraayo kooxda filimka Sooryavanshi xaflad weyn qabsadaan kuna dhawaaqaan in 2 April 2021 la daawan doono filimkan, sidoo kalena marka laga soo tago Akshay Kumar mashruucan waxaa doorar muhiim ah ku leh  Katrina Kaif, Jackie Shroff, Jaaved Jaaferi iyo Sikandar Kher halka Ajay Devgn doorkiisa Singham iyo Ranveer Singh doorkiisa Simmba kaga soo muuqan doonaan filimkan muuqaalo marti ah oo ay Akshay Kumar garab siin doonaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here