Aqristayaasha Filimside ku xiran iyo dhamaan dadka daafaha caalamka ku nool waxay siweyn u wada sugayaan xiliga rasmiga ee la daawan doono filimka weyn KGF Chapter 2 madaama mashruucan qaybtiisii kowaad siweyn looga helay fariintiisa iyo bandhiga awoodeed ee Rocking Star Yash shaashada kusoo bandhigay.

Advertisement

Haatan kooxda filimka KGF Chapter 2 iska leh gaar ahaan shirkada Hombale Films waxay ku dhawaaqday in maanta waqtiga Hindiya marka ay tahay 6:32 pm fiidkii sidoo kalena geeska Afrika u tahay 4:02 pm galabnimo si rasmi ah shaaca looga qaadi doono mashruucan xiliga rasmiga ah ee la daawan doono.

KGF Chapter 2 waxaa hogaamiye ka ah Rocking Star Yash halka laadar uu ka yahay Sanjay Dutt sidoo kalena Raveena Tandon ayaa door adag ku leh waxaana Director ka ah Prashanth Neel waxaana lagu daawan doonaa dhamaan luqadaha Hindiya ugu caansan looga hadlo sida Hindi, Telugu, Tamil, Malayalam iyo Kannada. Waxaana la isla dhex maraa in filimkan tiyaatarada la saari doono 28 May 2021 balse aan kooxda filimkan sugno waqtiga rasmiga ah maanta gelinka dambe inay ku dhawaaqaan daawashadiisa.

Fadlan markale hoos ka daawo 8-dii bishan Janaayo goos gooskii koobnaa ee filimka KGF Chapter 2 laga soo bandhigay oo iskooro taariikhi ah baraha bulshada iyo barta Youtube-ka ka sameeyay sidoo kalena aad looga helay awooda lixaada leh Yash shaashada kusoo bandhigaayo:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here