Xidigta caanka ah ee reer koonfur Rashmika Mandanna ayaa soo galaysa Bollywoodka sanadka dambe. Atariishadan ayaa markii ugu horreysay Filim Hindi ah keeneysa iyada oo qeyb ka ah Mission Majnu oo ay la jileyso Sidharth Malhotra.

Advertisement

Ku dhawaaqista filimkan waxaa la sameeyay 23-kii bishii December, Aktarada ayaa saxiixday filimkeedii labaad oo Bollywood ah. Waxay la jileysaa megastar Amitabh Bachchan waxaana agaasimaya Vikas Bahl, kaasoo cinwaan looga dhigay Deadly.

Sida ay wararku sheegayaan, mashruucu waxaa laga shaqa bilaabi doonaa bisha Maarso 2021. Wuxuu noqon doonaa jadwal bilow-ilaa-dhammaad ah oo nasiino laheyn.

Filimkan waxaa soosaaraya Ekta Kapoor iyo Reliance Entertainment.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here