Xidiga caanka ah ee la wada jecel yahay Bobby Deol ayaa naceyb iyo caddaawad lama filaan ah dadkiisa reer Punjab kala kulmay xili uu duubista filimkiisa cusub Love Hostel deegaanka Patiala ee Waqooyiga Hindiya ku yaalo waxaana filimkan Bobby kula jiraan Vikrant Masey iyo Sanya Malhotra waxaana maal galineyso shirkada Red Chillies Entertainment ee SRK iyo xaaskiisa Gauri Khan madax u yihiin.

Advertisement

Bobby iyo kooxda filimka Love Hostel waxaa lagu qasbay inay duubista joojiyaan madaama beeraleyda fara badan goobta imaadeen kadibna rabshado bilaabeen waxayna la hadleen saxaafada beeraleyda reer Punjab oo aad u careesan ayagoo sheegeen in Bobby iyo qoyskiisa reer Deol wax filim ah dhul weynaha Punjab ku duubi karin madaama ay garab taagan yihiin xisbiga BJP ee Ra’iisul Wasaare Modi madax u yahay sidoo kalena is mari weesan yihiin beeraleyda labadii bilood ugu dambeesay.

Bobby Deol goobta wuu isaga tagay waxayna beeraleyda dhaheen “Bobby wuxuu la dhashay Sunny Deol oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga BJP, eedadiis Hema Malini iyadana waa xil dhibaan xisbiga BJP ka tirsan, aabihiis Dharmendra isagana horey xisbiga BJP ayuu ka mid ahaan jiray waxay taageersan yihiin xukuumada Modi dhawaana waxay ka hadleen oo ay dowlada garab ku siiyeen ka hor tagista dadka caanka ah ee Hindiya ku dhaliileen fashilka ka heesto xalinta dhibaatada beeraleyda halka labadii bilood ugu dambeesay marnaba aysan ka hadlin dhibka dadkooda lagu haayo sidaa darteed qof reer Deol ka tirsan uma ogolaan doono filim inuu Punjab ku duubo.”

Gobolada Punjab iyo Haryana waxaa loo sheegay in reer Deol aysan imaan karin si ay filim ugu duubaan mana uusan ka hadlin Bobby Deol arinkan madaama filimkiisa Love Hostel shaqo ahaan la hakiyay lamana yaqaan kooxda filimkan talaabada xigto oo ay qaadi doonaan haddii boolis wacan doonaan si shaqadooda u amba qaadaan iyo haddii jadwalka filimkan duubis ahaan badali doonaan oo ay deegaano kale shaqada ka amba qaadi doonaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here