Julian Nagelsmann ayaa badiyay kulankiisii ​​100-aad ee Bundesliga iyadoo Jamal Musiala uu dhaliyay gool soo laabasho ah oo ay 2-1 kaga badiyeen Mainz.

Bayern ayaa dhibaato ka soo gaartay guushoodii Champions League ee ay ka badiyeen Barcelona, iyadoo ay ka maqan yihiin dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah – waxay ka maqnaa qaab ciyaareedkii fiicnaa kulankooda maanta.

Mainz ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 22aad – Onisiwo ayaa madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Jonathan Burkardt lakin waxaa goolkaasi ka bar-bareeyay qeybta labaad ee ciyaarta Kingsley Coman isagoo taabasho ku dhameestiray kubad loo dhigay ciyaarta oo socota 53 Daqiiqo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

kooxda heysata horyaalka ayaa ugu dambeyntii lahaa tayo aad u badan, iyadoo Musiala, uu ku ciyaarayay door khadka dhexe ah oo aan horay looga baran, isagoo dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta guud ahaan kulankan ayaa ku soo idlaatay 2-1.

Natiijo ahaan Bayern ayaa leh 37 dhibcood waxana ku soo xigta Dortmund oo leh 31 Dhibcood.

Bayern ayaa u safri doonta Stuttgart talaadada, kulankooda ugu dambeeya ee 2021. Mainz, ayaa dhanka kale martigelin doonta Hertha Berlin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan