Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay u soo bandhigtay Manchester City Ousmane Dembele si ay u hesho Ferran Torres .

Kooxda reer Catalan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqdo 21-jirka heerka caalami ee dalka Spain, iyadoo warbixin hore ay soo jeedisay in heshiis 42.5 milyan ginni ah “90% la dhammeeyey” .

Si kastaba ha ahaatee, El Nacional ayaa ku warameysa in Barca aysan awoodin inay bixiso lacag kaash ah oo ay kula soo saxiixaneyso Torres bisha Janaayo, sidaas darteed madaxweynaha kooxda Joan Laporta ayaa taa beddelkeeda soo jeediyay in Man City ay is dhaafsato ciyaaryahan Dembele, kaasoo qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo aadan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Barca aysan hubin haddii Dembele uu doonayo inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda iyo in kale, iyadoo ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu awood u leeyahay inuu ka xaajoodo heshiis horudhac ah oo uu la galo kooxaha kale laga bilaabo Janaayo 1.

Torres, oo kaliya ku biiray Citizens Agoosto 2020, ayaa lagu xamanayaq inuu ku wargaliyay tababare Pep Guardiola rabitaankiisa ku aaddan inuu dib ugu laabto Spain iyo inuu kula biiro Xavi Camp Nou.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 16 gool ,waxana uu caawiyay 4 gool waa 43 kulan oo uu u saftay City,halka Dembele uu u diiwaan gashaday 30 gool 22 caawin 125 kulan oo uu u saftay Barcelona.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan