Maamulaha Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameed ka  dhigtay weeraryahanka Internacional Yuri Alberto .

Kooxda reer Spain ayaa suuqa ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd weerarka ka dib markii ay aragtay saxiixii xagaaga ee Sergio Aguero oo lagu qasbay in uu ciyaaraha uga fadhiisto xanuun dhanka wadnaha ah todobaadkii hore.

Ansu Fati iyo Martin Braithwaite ayaa sidoo kale la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan, halka Luuk de Jong uu dhaliyay kaliya hal gool tan iyo markii uu amaah kaga soo biiray Sevilla.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ferran Torres iyo Edinson Cavani ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu sarreeya liiska uu Xavi doonayo suuqa Janaayo, halka Hakim Ziyech , Mason Greenwood , Marcus Rashford iyo Erling Braut Haaland lala xiriiriyay inay u dhaqaaqaan Camp Nou.

AS ayaa ku warameysa in Barca ay haatan liiska ku darsatay Alberto, isagoo la dhacay qaab ciyaareedka 20 jirkaan ee heerka koowaad ee Brazil xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 19 gool 55 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan isaga oo iska dhigay xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Internacional.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan