Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Ferran Torres u ogolaato inuu u saxiixo Barcelona inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Kahor inta uusan dhaawac ka soo gaarin Metatarsal, Isbaanishka ayaa loo arkaa nin muhiim u ah City, isagoo dhaliyay seddex gool todobadii kulan ee uu ku soo bilowday tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Barcelona ay Xavi u magacawday macalinkooda cusub, ciyaaryahankii hore ee Valencia ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo dalkiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Marka loo eego 90 min City ayaa ku faraxsan inay dirto 21-sano jirkaan, taasoo u ogolaaneysa inay heshiis la gaaraan Barcelona qiimo lacageed.

Torres ayaa lagu xamanayaa inuu horay ugu wargaliyay Pep Guardiola iyo madaxda City inuu doonayo inuu qeyb ka noqdo mashruuca dib u dhiska ee Camp Nou.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan