Barcelona ayaa qorsheyneysa inay bisha Janaayo lasoo wareegto weeraryahanka Chelsea Christian Pulisic , sida wararka sheegayaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa ku dhibtoonayay inuu si joogta ah ugu soo bilowdo intii uu hogaaminayay Thomas Tuchel tan iyo markii uu ka yimid Borussia Dortmund.

Natiijo ahaan, Pulisic ayaa loo saadaalinayaa inuu raadiyo koox cusub sanadka 2022, iyadoo Liverpool loo maleynayo inay si dhow isha ugu hayso xaaladiisa Galbeedka London.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo loo maleynayo in Blues ay ka caga jiideyso inay ka iibiso koox ay si toos ah u xifaaltamaan, Mundo Deportivo ayaa sheeganeysa in amaah uu ugu dhaqaaqi karo Barca uu dhici doono bisha Janaayo.

Pulisic ayaa laba gool dhaliyay iyo hal caawin 9 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan,waxana heshiiskiisa Chelsea aanu dhacayn ilaa 2024ka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan