Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ‘heshis mabda’ ah’ la gaartay daafaca Chelsea ee Cesar Azpilicueta kaas oo ku aadan u dhaqaaqista Camp Nou xagaaga soo aadan.

Mustaqbalka Isbaanishka ee Stamford Bridge ayaa weli su’aal la gelinayaa, maadaama qandaraaskiisa kooxda heysata Champions League uu dhacayo June 2022.

Barcelona ayaa si xoogan loola xiriirinayay daafacan, sida uu sheegay saxafiga reer Spain ee Gerard Romero , kooxda reer Catalonia ayaa ‘aad ugu dhow’ saxiixiisa.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Romero ayaa sheegay in uu jiro heshiis mabda’ ah oo 32-sano jir ah uu ugu biirayo kooxda Xavi ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Azpilicueta ayaa mar kale ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Chelsea inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan, isagoo saftay 20 kulan tartamada oo dhan, isagoo ka qeyb qaatay seddex caawin.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan