Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dabada ka riixayso in ay xal degdeg ah ka gaadho mustaqbalka Philippe Coutinho oo aan la hubin.

Inkastoo kubad sameeyaha reer Brazil uu shan kulan ku soo bilowday 11-kulan uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, Barcelona ayaa weli dooneysa inay sida ugu dhaqsaha badan u dirto 29 jirkaan.

xidigan ayaa ku biiri kara midkood Arsenal , Tottenham Hotspur , Everton , Newcastle United iyo Leicester City oo dhamaantood xiiseynaya.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Mirror , kooxda reer Catalonia ayaan wax qorshe ah u haynin inay sugaan loolanka loogu jiro saxiixiisa dhamaadka suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Barcelona ay dooneyso inay ogaato haddii mid ka mid ah kooxaha la xusay ay diyaar u yihiin inay heshiis 7.5 milyan ginni ah ka gaaraan Arbacada.

Arsenal ayaa lagu xamanayaa inay door bidayso heshiis amaah lix bilood ah oo ay waajib ku tahay inay ku iibsato 5 milyan ginni, shuruudahaas oo ay u badan tahay inay ahaanayaan ikhtiyaar xitaa haddii Barcelona ay door bidayso habab kale.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan