Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay 25 milyan oo ginni ku dalbato kubad sameeyaha RB Leipzig Dani Olmo marka la gaaro suuqa January.

Xavi ayaa rajeynaya inuu awood u yeesho inuu xoojiyo kooxdiisa bisha soo socota, maadaama uu haatan la tacaalayo dhaawacyo badan oo kooxda koowaad ah oo ay ku jiraan Memphis Depay , Ansu Fati , Pedri iyo Martin Braithwaite .

Sida laga soo xigtay El Nacional , Barca ayaa Olmo u aqoonsatay mid ka mid ah bartilmaameedyada aasaasiga ah, waxayna diyaar u yihiin inay miiska saaraan 25 milyan ginni, lacag ay rumeysan yihiin inay la mid tahay qiimaha ciyaaryahanka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa intaa ku dareysa in kooxda reer Catalan ay ka cabsi qabto inay weyso xiddiga heerka caalami ee dalka Spain.

Olmo, oo mustaqbalkiisa ka bilaabay akadeemiyadda Barca ka hor inta uusan ku biirin Dinamo Zagreb 2014, ayaa jeclaan lahaa inuu ku laabto Camp Nou, fursad uu uga hoos shaqeeyo halyeeyga kooxda Xavi.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan