Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay waddo dalab 25 milyan oo ginniga sterlin ka ah ka gudbisatay daafaca Ronald Araujo oo ay Barcelonannana gaashaanka u daruurtay (ka diiday) dalabkaa uga yimid Manchester United.
Iyadoo United ay si dhab ah u mudnaan siin doonto xoojinta meelaha kale ee garoonka inta lagu jiro 2022, waxay sii wadi doontaa in lala xiriiriyo daafacyada dhexe.
Araujo, oo 18 bilood uga harsan tahay qandaraaska uu kula joogo Camp Nou, ayaa u muuqda mid aad ugu mashquulsan sidii ay u heli lahaayeen heshiis cusub iyo qiima lacagteed oo macquula.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Nacional , Barcelona ayaa dooratay inay diido dalab 25 milyan ee ginni oo uga yimid kooxda Premier League ee Manchester United.
Inkastoo xiddiga heer caalamiga ah ee dalka Uruguay uu ahaa kooxda koowaad ee joogtada ah tan iyo markii loo magacaabay maamulaha Xavi , hase ahaatee kooxda Catalans ayaa raadineysa inay lacag aruuriso oo ay boos ka baneyso biilka mushaharka.
Kooxaha kale sida Chelsea ayaa la sheegay inay isha ku hayaan xaaladan , Barcelona ayaa rajeyneysa in ay dalab cidiyo ku dagaalan ah kusoo dhacsato ah ciyaaryahan sumcad sii koraya.
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan