Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dib u soo ceshato xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Juan Mata .

33-sano jirkaan ayaa 151-daqiiqo u saftay Red Devils tartamada oo dhan ilaa haatan xilli ciyaareedkan, kaliya seddex kulan ayuu saftay, mana jiro wax kulan ah oo Premier League ah.

Qandaraaska Mata ee Old Trafford ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, isagoo saxiixay heshiis kordhin hal sano ah xagaagii lasoo dhaafay, waxaana uu xor u yahay inuu wadahadalo la furo kooxaha dibadda laga bilaabo 1-da Janaayo.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Barcelona ayaa isku dayday inay la soo wareegto Mata ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiis kordhintiisa sannadkii hore, Daily Star ayaana warineysa inay qorsheynayaan inay dalab kale ka gudbiyaan xiddiga reer Spain.

Man United waxay u furan tahay inay iska iibiso Mata mushaarkiisa 130,000 ee ginni bisha Janaayo, laakiin waxay doonayaan inay dib u soo ceshadaan qiimaha suuqa kala iibsiga halkii ay kansali lahaayeen heshiiskiisa lix bilood ka hor.

Mata ayaan ka ciyaarin La Liga in ka badan toban sano, tan iyo markii uu ka tagay Valencia kuna biiray Chelsea 2011kii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan