Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabto saxiixa Xidiga Manchester United ee Alex Telles iyadoo kooxda ay raadineyso bedelka Jordi Alba .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa weli ah shaqsi muhiim u ah kooxda Catalan, lakiin waxa uu noqon doonaa 33 jir horaanta sanadka soo socda, waxaana uu la dhibtoonayay dhibaatooyin muruqa ah intii lagu jiray ololaha 2021-22.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Barcelona ayaa isha ku haysa inay la soo wareegto bedelka Alba mustaqbalka dhow, waxaana ay u aqoonsatay Telles mid ku habboon.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

29-sano jirkaan ayaa inta badan ahaa dooqa labaad ee ka dambeeya Luke Shaw booska dambeedka bidix ee Man United tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Porto bishii Oktoobar 2020.

Si kastaba ha ahaatee, Telles ayaa hadda ku soo bilowday oo dhameystay afartii kulan ee ugu danbeysay ee kooxdiisa, iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil uu ka faa’ideystay Shaw oo dhawaanahan dhaawac ka soo gaaray madaxa.

Laacibka reer South America oo hal gool dhaliyay afarna caawiye ka ahaa 32 kulan oo uu u saftay Red Devils tartamada oo dhan,waxana wali laba sano iyo badh uga hadhay qandaraaskiisa Old Trafford.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan