Nico Gonzalez ayaa Barcelona siiyay guusheedii 3-aad ee uu hogaamiyo Xavi kadib markii ay 3-2 kaga badisay Elche kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda reer Catalans ayaa u muuqatay mid si aad ah u doonaysay in ay gaadho guul ay aad ugu baahnayd, Ferran Jutgla iyo Gavi ayaa mid walba dhaliyay goolashii ugu horeeyay ee kooxda qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd hal dhinac Barhäcelona ayaa 12 darbo ku tuurtay goolka Elche.

Qeybta labaad Tete Morente ayaa gool dib u soo celiyay daqiiqadii 62aad ka hor inta uusan u dhigin gool kale Pere Milla si uu u barbareeyo natiijada ciyaarta daqiiqad kadib.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Nico ayaa daqiiqadii 85-aad si fiican u dhamaystiray goolkii ay guusha ku gaadhay kooxda Blaugrana oo caawa halis ugu jirtay in bar-baro lagu qabto.

Barca ayaa soo gabagabeysay kulamadeeda 2021 Kulanka Sevilla Talaadada, halka Elche aysan dib u ciyaarin ilaa ay martigeliyaan Granada Janaayo 2.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan