Son Heung-min ayaa ka faa’idaystay qalad uu sameeyay Alisson isaga dhibic siiyay Tottenham kulan ay barbaro 2-2 ah la galeen Liverpool.

Kulankan ayaa laga Diiwaangaliyay Xaqiiqooyin Cusub.
Spurs ayaa badisay kaliya hal kulan 18-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay wajahday Liverpool (5-bar-baro iyo 12), iyadoo maanta kaliya markii afaraad oo isku xigta ay ku hormaraan kulan (1 guul iyo 2 guul darro).
Liverpool ayaa dhalisay goolkeedii 50-aad ee Premier League xilli ciyaareedkan waana kulankeedii 18-aad – waana goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ay abid dhaliyaan 50 gool xilli ciyaareed heersare ah.
Liverpool ayaa gool dhalisay 28-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti ahaayeen tartamada oo dhan,waana rikoodhkii ugu dheeraa ee ay koox heerka sare ah gaadho tan iyo Wolves oo dhalisay 29 gool oo xiriir ah intii u dhaxaysay December 1958 ilaa January
1960.
– Jota ayaa Liverpool u dhaliyay 6 gool oo madax ah horyaalka premier League. – Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, kaliya Dominic Calvert-Lewin (sideed) iyo Christian Benteke (todoba) ayaa ka goolal badan tartanka.
Saddexdii gool ee ugu dambeysay ee Kane uu ku dhaliyo garoonkiisa Premier League waxa ay soo hoos galeen maareeyayaal kala duwan: Jose Mourinho bishii March, Ryan Mason bishii May iyo Antonio Conte markan.
Robertson waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool dhaliya,caawin iyo casaan qaata kulan Premier League ah tan iyo Aleksandar Mitrovic oo u ciyaara Newcastle United bishii May 2016,kaas oo isna ka horyimid Spurs.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan