Muqdisho (Dalkaan.com) – Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlayay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, xiisadda Gobolka Gedo iyo tabashada kasoo yeertay dhammaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ugu horeyn ka hadlay xiisadda ka taagan Gobolka Gedo  ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday inay gacan ku heynta gobolkaas kusoo wareejiso maamulka uu madaxweynaha u yahay ee Jubbaland.

Advertisement

Axmed Madoobe ayaa kulankaan oo ay xaadir ku ahaayeen inta badan xubnaha Beesha Caalamka ka sheegay in Dowladda Dhexe ay ciidamo maleeshiyaad ah geysay Gobolka Gedo isla markaasna ay ka baxday heshiiskii ahaa inay ciidamadaas ka saarto Gobolkaas ka hor inta aysan dalka ka dhicin doorasho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in lagu heshiiyey in maamul Goboleed kasta doorashada lagu qabto laba goob sidaas darteedna aysan gacanta ugu jirin goobtii labaad ee doorashada lagu qaban lahaa marka laga soo tago Magaalada Kismaayo.

“Marka Puntland doorashada ku qabato labada meel, Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ku qabtaan labada meel, Jubbaland hal meel miyay ku qabaneysa, mise dowladda ayaa Gedo xaq u leh inay ka qabato, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso, haddii kale qoraal soo saarna waanu la wareegnay dhaha Gedo, idinkoo sababeynaya”.

Sidoo kale Axmed Madoobe oo ka hadlay tabashada kasoo yeertay xubnaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dalbaday in si deg deg ah loo qabto kulan looga tashanayo cabashada iyo khilaafka ka taagan doorashada isla markaasna ay lagama maarmaan tahay inay goob joog ka ahaadaan xubnaha Beesha Caalamka si ay marqaati uga noqdaan heshiiska la wada gaarayo.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Rooble ugu baaqday inuu doorka uu leeyahay ka qaato doorashada wuxuuna yiri  “Ra’iisul Wasaare Rooble ma tihid Musharax doorka aad leedahay in aad qaadato ayaa lagaa rabaa”.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here