Atooraha reer Tamil ee awooda badan Vijay Sethupathi qof walbo wuxuu hilmaami karin doorka adag ee uu ka qaatay filimka Master ee dhawaan HIT-ka weyn noqday asigoo laadar awood badan ka ahaa wuxuuna mashruucan kula xifaaltamay Superstar Vijay ayadoo laga wada helay sida ay labo Vijay filimka Masrter ugu xifaaltameen.

Advertisement

Mar dhexdaas Vijay Sethupathi wuxuu saxiixday filimka sida Online-ka ah loo daawan doono ee lagu magacaabo Sunny oo ay iska leedahay shirkada Amazon Prime Video waxaana hogaamiye ka ah Shahid Kapoor oo markii ugu horeesay kasoo muuqan doono filim OTT laga daawanayo sidoo kalena mashruucan waa Action iyo qayaano isku jirto oo si caalami ah loo sameenayo.

Filimka Sunny waxaa Director ka ah labada aan kala harin Raj & DK waana filim Action-mo aan horey loo arag lagu soo bandhigaayo dhawaana shaqadiisa bilaaban doono wuxuuna ka kooban yahay xalqooyin kala duwan ma ahan filim 2-saac ama 3-saac soconaayo ee qeybo kala duwan ayuu ka kooban yahay waqti ahaana waxay u badan tahay in ilaa 7-xalqo ama 10-xalqo ka kooban yahay.

Aqbaarta hadal heynta abuurtay ayaa ah in Vijay Sethupathi haatan sameynta filimka Sunny kaga lacag badiyay Shahid Kapoor waayo Shahid wuxuu ahaa qofkii kowaad ee lala saxiixday filimkan wuxuuna dalbaday 40 Crore ($5.48m) iyo lacago dheeri ah in gadaal laga siiyo weyna ka aqbaleen shirkada Amazon Prime Video.

Vijay Sethupathi isagana dhawaan ayaa lala saxiixday wuxuuna dalbaday labo shuruud waana la aqbalay mid waxay tahay sameynta filimkan inuu 50 Crore ($6.85m) ku qaato sidoo kalena doorkiisa la mid noqdo dhan walbo Shahid Kapoor oo uusan shaashada kaga saameyn badnaanin waana laga aqbalay midaas waxayna u badan tahay in Vijay Sethupathi laadar ka yahay filimkan sidoo kalena Shasha isla xifaaltami doonaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here