Super Star Vijay filimkiisa Master ayaa wacdaro aan horay loo arkin dhigay todobaadkii hore kadib markii uu soo xareeyay 125 crore asigoo waliba shineemooyinka kalabar xirnaayeen cudurka safmarka ee Covid19 dartiis.

Shineemooyinka ayaa waxaa la furay 50% ayadoo laga fogaanayo isu soo dhawaanshaha dadka, balse Filimka Master ayaa si waali ah ku furmay asigoona maalintiisii koowaad keenay 35 crore nadiif ah.

Advertisement

Arintaan ayaana waxay dhalisay in su’aalo badan la is weydiiyo kuna saabsan waxa dhici lahaa hadii filimkaan tiyaatarka la saari lahaa ayadoo uusa bandow jirin? hubaal ahaan 50 crore maalinta koowaad wuu ka saro mari lahaa.

Super Star Vijay ayaana lasoo baxay awoodiisa asigoona filim sheeko ahaan iska meel dhexaad ah dadka ka iibiyay waliba Blockbuster ka dhigay xili kalabar shineemooyinka xiranyihiin.

Tani ayaana waxay cadeyn xoogan u tahay sida Vijay haatan shacbiyada balaaran u leeyahay sidoo kalana Powerkiisa u sareeyo waxaana lagu doodi karaa inuu yahay atooraha ugu awooda badan Hindiya waqti xaadirkaan la joogo.

Vijay ayaana u bareeray halista ah in ayadoo shineemooyinka 50% xiranyihiin uu tiyaatarka filim saarto xili jilayaal badan haba u badnaadeen kuwa Bollywoodka ay arinkaas cabsi ka muujiyeen ayagoona la sugayo inta shineemooyinka toos looga wada furaayo.

Akshay Kumar wuxuu dib u dhigtay filimo badan oo uu ugu weynyahay Sooryavaanshi asigoona sidoo kale Laxmmi qaab Online ku iibiyay.

Salman Khan wuxuu dib u dhigtay filimka Raddhe waxaana la daawan doonaa Eid2021, halka Aamir Khan oo asigana u cabsaday filimkiisa Laal Singh Chaddha, hana ka saarin meesha in Ranveer Singh dib u dhigtay filimkiisa 83.

Cabsida jilayaasha Bollywoodka iyo dhiiranaanta Vijay ayadoo la eegayo, hadaba akhristow mala dhihi karaa Vijay waa kan ugu awooda badan Hindiya sidoo kalana sidee u aragtaa dhiiranaanta Vijay iyo inuu la wareegay Box Officeka India?

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here