Aubameyang ayaa la filayaa in uu doonayo in ka badan laba jibaarka mushaharka Zlatan Ibrahimovic hadii uu doonayo in uu bishan dhamaystiro inuu sii joogo kooxda Arsenal .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Gabon ayaa laga xayuubiyay kabtanimada  bishii hore ka dib xadgudubyo badan oo anshaxeed ah lagu eedeeyay, tan iyo markaas hal kulan ka uusan soo muuqan kooxda.

Aubameyang ayaa la filayaa  inuu ka tagi doono kooxda Arsinal inta uu san xidhmin suuqa kala iibsiga ee Janaayo, iyadoo AC Milan loo maleynayo inay tahay mid ka mid ah kooxaha xiiseynaya ee Marseille iyo Paris Saint-Germain .

Si kastaba ha ahaatee, Football Italia – oo loo maro Daily Star – ayaa ku warameysa in Aubameyang uu doonayo in la siiyo wax ka badan laba jibaar inta uu weeraryahanka kale ee Ibrahimovic.

Ciyaaryahankii hore ee Borussia Dortmund ayaa loo maleynayaa inuusan dooneynin inuu u huro mushaarkiisa 350k ginni si uu u dhameystiro u dhaqaaqista meel kale, iyadoo Ibrahimovic uu haatan jeebka ku shubto 125k ginni isbuucii kooxda Rossoneri.

U dhaqaaqida Porto ayaa sidoo kale la damcay Aubameyang, iyada oo la sheegay in dhex dhexaadiyayaashu ay ka shaqaynayeen heshiis is dhaafsi kaas oo u ogolaanaya Mehdi Taremi inuu u dhaqaaqo Emirates.

Aubameyang ayaa dhaliyay kaliya afar gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan iyodoo laga saaray kooxda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan