Real Madrid ayaa xaqiijisatay koobkii ugu horeeyay ee Carlo Ancelotti markii labaad ee uu macalin u noqdo ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Athletic Bilbao finalka Supercopa de Espana.

Luka Modric iyo Karim Benzema ayaa dhaliyay goolaol iyadoo hogaamiyaasha LaLiga ay aad uga xoog badiyeen Athletic, oo khamiistii garaacday Atletico Madrid semi-finalka.

Goolka uu dhaliyay Benzema ayaa ahaa rigoore qeybtii labaad ee ciyaarta,waxana uu dhaliyay 18 gool xirfadiisa kulankii Athletic. Waa kooxda uu ka dhaliyay goolasha ugu badan, waxaana uu ahaa mid halis ah intii uu socday kulankaan oo hal dhinac ah.

Xitaa Athletic ayaa loo dhigay rigoore dhamaadkii ciyaarta waxaase lug bidix ku badbaadiyay goolhaye Thibaut Courtois guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-2 oo Real Madrid goobka ku qaaday.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan